396 Views

Xildhibaannada laba Aqal ee BFS oo maanta sanad u buuxsantay

Xildhibaannada laba Aqal ee BFS oo maanta sanad u buuxsantay
____________________________________________________________________________

Hal sano ayaa maanta laga joogaa markii la dhaariyay Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyada oo Guddigii doorashada ee heer Federaal ay Magaalada Muqdisho ku dhaariyeen 14 April, 2022-ka mudanayaasha Baarlamaanka 11aad.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda dhaarinta Xildhibaannada labada Aqa lee Baarlamaanka 11aad ee JFS oo ka dhacday teendhada Afisyooni.

Dhaarinta ka dib, labada Aqa lee BFS ayaa doortay ku sime Guddoomiye iyada oo loo kala doortay labada Mudana ee da’ahaan ugu weyn Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

26 April 2022-ka Senatorada Aqalka Sare ayaa doortay shirguddoonka Golaha, iyada Guddoomiyaha Golaha loo doortay Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ka adkaaday laba musharax oo xilka kula tartantay.

Sentaor Cabdi Xaashi ayaa ku guulaystay wareegga hore ee tartanka isaga oo helay 28 cod, waxa uuna ka guulestay Sentor Dubbe iyo Senator Saalax Axmed Jaamac oo hadda ah Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad Golaha ayaa loo doortay Senator Cali Shacbaan Ibraahim, isaga oo wareeggii labaad ka guuleystay Senator Cabdixakiim Macallin Axmed. Halka Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha loo doortay Senator Cabdulaahi Cali Timacade ayaa wareeggii ugu dambeeyey doorashada uga adkaaday Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo helay 23 cod.

Maalin ka dib Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa 27 May 2022-ka Afhayeenka Golaha Shacabka u doortay Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo helay codad gaaraya 163 wuxuuna ka adkaaday Xildhibaan Xasan Cabdi Nuur oo ahaa Wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha ee Soomaaliya, kaas oo helay codad gaaraya 89 cod.

Maalin ka dib Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka BFS u doortay Xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo noqontay haweeneydii ugu horreysay ee xilkaas loo doorta tan iyo markii dhibada loo taagay Dowlad Nimada Soomaaliya.

Isla maalintaa Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha u doortay Xildhibaan Cabdullaahi Cumar Abshirow.

15 May 2022-ka Xildhibaannada labada Aqal ayaa Madaxweynaha 10aad ee JFS u doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo noqday Madaxweynaha kaliya ee xilkaas qabta laba muddo xileed, ka dib doorasho la’isla gaaray wareegay saddexaad, waxa uuna ka guuleysatay Madaxweynihii xilka kala wareegay 2017 Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

25 Jun 2022-ka Golaha Shacabka ayaa ansixiyay Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre, ka gadaal markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu magacaabay  15 Juun 2022.

7 August 2022 mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa ansixiyay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliye, ka dib markii uu RW Xamsa uu Golaha horgeeyay.

Tan iyo markii la dhaariyay ka dib Xildhibaannada labada Aqa lee BFS ayaa la horgeeyay 12 Hindise Sharciyeed iyo misaaniyadda Dowladda 2023-ka, oo ay u gudbisay Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse, kuwaas uu saxiixay Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud.

Haddaba jaantuskaan waxa aan kuugu soo koobeynaa Sharciyada ay ansixiyeen labada Aqal, kuwa uu MW Saxiixay iyo inta dhiman:-

NOSharcigaAnsixinta Golaha ShacabkaAnsixinta Aqalka SareSaxiixa MW JFS
1Hindise Sharciyeedka Cunaqabataynta Maaliyadeed ee CayimanJan 14, 2023Feb 28, 2023Mar 8, 2023
2Hindise sharciyeedka korantadaFeb 6, 2023Feb 19, 2023Mar 8, 2023
3Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka.Feb 6, 2023Feb 22, 2023Mar 8, 2023
4Hindise Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadda SoomaaliyeedFeb 18, 2023Mar 8, 2023Mar 20, 2023
5Hindise Sharciyeedka Nidaamka Maaliyadeed ee kheyraadka Dhulka Hoostiisa.Feb 18, 2023Mar 8, 2023Mar 20, 2023
6Hindise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Dadweeynaha.Mar 1, 2023Mar 11, 2023Mar 20, 2023
7Hindise Sharciyeedka dhowrista Maalgashadayaasha & MaalgashigaMar 1, 2023Mar 11, 2023Mar 20, 2023
8Hindise Sharciyeedka SocdaalkaMar 6, 2023Mar 16, 2023Mar 20, 2023
9Hindise Sharciyeedka Dhowrista Xogta QarankaMar 8, 2023Mar 16, 2023Mar 20, 2023
10Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Maareynta DeegaankaMar 8, 2023WeliWeli
11Hindisa Sharciyeedka La-dagaallanka ArgagixisadaMar 8, 2023Mar 14, 2023Mar 20, 2023
12Hindise Sharciyeedka Horumarinta iyo Maareynta Kalluumeeysiga SoomaaliyeedMar 11, 2023Mar 16, 2023Mar 20, 2023

Xildhibaannada labada Aqa lee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa hadda ku maqan fasax, waana lagu wadaa in kalfadhiga Saddexaad uu furmo dhammaadka bisha nagu soo aadan ee May, sida ay Mustaqbal Media u sheegeen halwadeennada labada Aqa lee Baarlamaanka Soomaaliya.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post