936 Views

Wasiirka arrimaha dibedda ee Lubnaan oo iska casilay xilka kadib waraysi uu ku weerarray dalalka Khaliijka

Wasiirka arrimaha dibedda ee Lubnaan oo  iska casilay xilka  kadib waraysi uu ku weerarray dalalka Khaliijka
____________________________________________________________________________

.

May 19 2021

 Wasiirka arrimaha dibedda ee Lubnaan, Sharbal Wahba, ayaa iska casilay xilkiisa kadib cadaadis xooggan oo ka dhashay waraysi uu ku weerarray dalalka Khaliijka.

Sharbal Wahba oo ka tirsan xukuumadda xil-gaarsiinta Lubnaan ayaa waraysiga uu Isniintii siiyay telefishinka Al-Xurra waxa uu ku tilmaamay in dalalka Khaliijka ay gacan ka geysteen hanaqaadkii Ururka Daacish.

Sacuudi Carabiya, Kuweyd, Baxrayn iyo Imaaraadka Carabta ayaa dhammaan u yeeray safiiradda Lubnaan u fadhiya caasimadahooda, waxaana ay u muujiyeen cabashadooda ku aaddan hadalka wasiirka.

“Dalalka aan jaceylka, saaxiibtinnimada iyo walaaltinnimada wadaagno ayaa keenay Daacish. Waxa ay noogu beereen banka Ninawa, Anbar iyo Palmyra,” ayuu yiri wasiirku.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Sacuudiga ayaa sheegtay in hadalka wasiirku uu meel ka dhac ku yahay nidaamka diblomaasiyadda, uuna weerar cad ku yahay Boqortooyada.

Madaxtooyadda Lubnaan ayaa shaaciyay in wasiirku uu is-casilaaddiisa u gudbiyay madaxweyne Misheel Cawn, uuna ka aqbalay.

Hadalka wasiirka ayaa khalkhal geliyay dedaallada ay Lubnaan ku dooneyso in ay ku wanaajiso xiriirka kala dhexeeya waddamada Khaliijka oo mar ahaa kuwa dhaqaalaha ugu badan ku bixiya dalkaas la liicaya sicir bararka xooggan.

Waddamada Khaliijka ayaa ka caga-jiidaya in ay soo celiyaan taageeradii dhaqaale ee ay ku bixin jireen Lubnaan iyagoo ka walaacsan awoodda sii kordhaysa ee ururka Xisbullah uu ku leeyahay siyaasadda dalkaas.

Waddamada uu hormuudka u yahay Sacuudiga ayaa u arka Xisbullah urur u adeega danaha Iran oo ah dal uu xifaaltan xooggan kala dhexeeyo.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post