861 Views

Xubin Ka Tirsanaa Alshabaab oo lasoo Bandhigay

Xubin Ka Tirsanaa Alshabaab oo lasoo Bandhigay
____________________________________________________________________________

Talaado: April 19, 2022

Ciidanka Nabad Sugida maamulka Koonfur Galbeed ayaa soo bandhigay nin la sheegay in uu katirsanaa dagaalyahanada Al Shabaab , kaa oo go’aansaday in si iskiis ah uga soo baxo kooxdaasi uu sannadaha badan katirsanaa.

Abshir cusmaan jiirow oo Magaciisu Afgarashadu yahay iftiin Ayaa isku soo Dhiibey Taliska Ciidanka Hay’ada Nabadsugida koonfur Galbeed, waxaana ninkan ka yimid dhinaca gobolada Jubbooyinka uu ka howlgalayay.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in ninkan kasoo goostay Al Shabaab u qaabilsanaa dhinaca Jabhada sidoo kalana ahaa Daraawal ka xeeya gawaarida dagaalka ay adeegsadaan Al Shabaab.

Ciidanka dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada qaarkood ayaa marar badan soo bandhigay xubno la sheegay in ay kasoo goosteen Al Shabaab, mana jiro wax war ah oo Al Shabaab kasoo saaraan ragaasi lasoo bandhigay.

Office Nairobi Kenya



_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post