1032 Views

Howlgalo dad lagu soo qabqabtay oo ciidamada ka sameeyeen Janaale

Howlgalo dad lagu soo qabqabtay oo ciidamada ka sameeyeen Janaale
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Juun 23, 2019 –Wararka ka imanaya gobolka Sh/hoose gaar ahaan degmada Janaale ayaa sheegaya in howlgalo ay ka sameeyeen ciidamada sida gaar ah u tababaran ee Danab ay ku soo qabqabteen dad badan.

Howlgalkan oo xalay ay ciidamadu sameeyeen ayaa la sheegay in ay  ka soo qabqabteen dad kudhow labaatan ruux beeraha ku yaal agagaarka magaalada Janaale oo ah magaalo caan ku ah  waxsoosaarka beeraha.

Ciidamada DANAB ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay waxa ay isku balaarinayeen deegaano ka tirsan gobolka Sh/hoose iyadoo ay dowladu wax ka bedeshay qaabkii hore ee ay ciidamadu howlgalada uga sameyn jireen gobolka Sh/hoose.

Deegaano badan oo ka mid ah gobolka SH/hoose ayaa waxaa ku xooggan ururka Alshabaab iyadoo ay fariisimo ku leeyihiin dhul beereedka ku yaal gobolkaas

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment