1500 Views

Taliyaha Ciidamada Mareykanka Ee Qaarada Afrika Oo Muqdisho Soo Gaaray

Taliyaha Ciidamada Mareykanka Ee Qaarada Afrika Oo Muqdisho Soo Gaaray
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 28, 2018 Magalada Muqdisho waxaa Maanta soo gaaray Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano(Africom) Janeraal Thomas Waldhauser iyo Saraakiil kale.

Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Muqdisho waxaa kusoo dhaweeyay danjiraha Cusub ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Mudane Don Yamamoto.

 

Wafdiga taliyaha ayaa waxaa markii ay soo gaareen Magalada muqdisho la kulmeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,waxana ay ka wada hadleen sidii dowladda Mareykanka ay dowladda Federaalka uga taageeri laheyd dhinaca amniga iyo kordhinta weerarada dhinaca Cirka ah ee lala beegsanayo Saldhigyada Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa sheegay inay Madaxweyne Farmaajo isla soo qaadeen Arrimaha Diblomaasiyadda iyo Horumarka Soomaaliya,waxaana Mareykanka inta badan Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya uu ka fuliyaa duqey uu la bartilmaameedsado Saldhigyada Al-Shabaab.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment