945 Views

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka hadlay waalidiinta ka Cabanaya Caruurtooda Xili u Qudbad jedinayay

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka hadlay waalidiinta ka Cabanaya Caruurtooda Xili u Qudbad jedinayay
____________________________________________________________________________

May 27 2021

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku soo hadal qaaday khudbadii uu xoogaa kahor ka jeediyay madasha lagu soo xoo xirayay shirka Golaha Wadatashiga Qaran waalidiin Soomaaliyeed oo maalmahaan ka hadlayay warbaahinta gudaha kana cabanayay dhalinyaro ay dhaleen oo la sheegay in loo waday tababar ciidan hase yeeshee aaney ilaa iyo hadda wax war ah laga haynin.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sheegay in waalidiinta cabanaya ay sheegayaan in qaarkood ilmahooda aysan arkin muddo labo sano ah .

Madaxda sare ee dalka ayuu gudoomiyaha Aqalka Sare ka codsaday in ay u jawaabaan waalidiinta cabanaya ee aan caruurtooda war iyo wacaal midna ka haynin.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post