1296 Views

Maxkamadda Gobolka Hiiraan oo siideysay dad u xirnaa laamaha Amniga

Maxkamadda Gobolka Hiiraan oo siideysay dad u xirnaa laamaha Amniga
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 11 2021Maxkamada Gobalka Hiiraan ayaa maanta oo Khamiis ah siideysay 7 Ruux oo horay laamaha Ammanka magaalada Beledweyne u xireen, kuwaas oo dambi lagu waayay.

Todobada Ruux ayaa kala ah 4  Rag ah iyo Saddex Haween ah, waxaana muddo todobaadyo ah ay ku xirnaayeen Xarumaha  kala duwan ee laamaha Amniga ku leeyihiin Magaalada Beledweyne.

Kiiska Dacwad ciqaabeedka dadkaasi loo heestay ayaa ahaa kicin dadweyne, dhowr maalin ka hor ayeeyna maxkamadda dhageeysatay kiiska dacwada dadkaasi loo heestay.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Hiiraan Cabdiraxiin Taakooy ayaa go’aanka maxkamadda ku dhawaaqay, waxuuna carabka ku dhuftay in dadkaasi aysan dhameestirneyn eedda loo heestay isla markaana  waafaqsaneyn heerka ciqaabta Soomaaliyeed iyo heerka garsoorka, Qodobka 122aad  dambi la’aanta, sidaas daraadeedna  xeerka ciqaabta inay maxkamadda dadkaasi kusii deeysay.

Dadka Maanta Maxkamadda Gobolka Hiiraan ay siideysay ayaa waxaa ay Magacyadooda kala yihiin.

Cali Daahir Xeroow, Xasan Cabdi Guure, Maryan Aadan Hilowle, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cilmi, Deeqo Cabdi Waare iyo Xasan Cabdiraxmaan Maxamed.

Dadka laamaha Amniga Magaalada Beledweyne ay xir xireen ee Maanta la siidaayay ayaa qaarkood waxaa ay taageero u muujiyeen Janeraal xuud oo maleeshiyaad hubeysan ku heysta degaanka Ceel-gaal ee duleedka Beledweyne, iyaga oo kasoo horjeeda Maamulka Cusub ee Hir-Shabeelle ee uu Madaxweynaha ka yahay Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka Maxkamadda ee dadka lagu siidaayay.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post