681 Views

Galmudug oo ka hadashay Shirka ka furmaya Dhuusamareeb

Galmudug oo ka hadashay Shirka ka furmaya Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 1, 2021Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan shir isugu yeeray Madaxda dowlad Goboleedyada, kaas oo ka dhacaya Magaalada dhuusamareeb si looga arrinsado arrimaha doorashooyinka dalka.

Shirka oo maanta qorshuhu ahaa in uu ka furmo dhuusamareeb ayaa u muuqda in uu dib u dhacay maadaama weli Madaxda dowladda iyo dowlad goboleedyada aysan tegin magaalada Dhuusamareeb.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Maamulka Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in ilaa iyo hadda aysan jirin mas’uul soo gaaray Magalada Dhuusamareeb si uu uga qyeb-galo shirka balse uu rajeynayo inay tegi doonaan.

Wasiirka oo la hadlay Risaala ayaa sheegay in Galmudug ahaan ay jecel yihiin in shirkaasi uu furmao, isla markaana ay u diyaar garoobeen marti-gelinta Shirkaasi.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Magaalada Dhuusamareeb uu kajiro amni la isku haleen karo, isla markaana laamaha Amniga dowladda & kuwa Galmudug ay siwyen u xaqiijinayaan Amniga Magaalada.

Saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug inay tagaan wafdiyo horudhac u ah Madaxda dowladda iyo dowlad Goboleedyada.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post