1308 Views

Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo shir uga qeyb galaya Ruushka

Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo shir uga qeyb galaya Ruushka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September- 28-2019 —Hantidhowraha Guud ee Qaranka Maxamed Maxamud Cali oo ka qeyblaya shirka INCOSAI2019 ee ka dhacaya dalka Ruushka ayaa sheegay in Soomaaliya ay sanadkaan 2019 qaadatey habraaca baarista casriga ah oo ay Hantidhowrada Adduunku ku dhaqmaan (ISSAI standards).

 

Wuxuu kaloo Hantidhowruhu sheegay in XHGQ kala shaqeeyey Wasaaradda Maaliyadda qaadashada & ku dhaqanka habraaca warbixin Maaliyadeedka loo yaqaan (IPSAS Cash Based) taa uu tilmaamay in ay tagay guul usoo hoyatey Soomaaliya oo la doonayo in horey loo sii dhaqaajiyo.

 

Hantidhowraha Guud ee Qaranka ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah la qaatey dhiggiisa waddamada Turkey, Finland, UAE, KSA, & hay’adaha AFROSAI-E & ARABOSAI oo ay Soomaaliya xubin nimadeeda dib usoo ceshatey, isagoo kala hadley sidii loo xoojin lahaa iskaashiga & taagerada xirfadda farsamo oo ay wadaagaan.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment