339 Views

Wasiirka Caafimaadka Oo Kamid Noqday Dadkii Ku Deeqay Dhiiggooda

Wasiirka Caafimaadka Oo Kamid Noqday Dadkii Ku Deeqay Dhiiggooda
____________________________________________________________________________

Axad: OCTOBER 30, 2022

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan, ayaa ka mid noqdey Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dhiigga u shubey Shacabkii shaley ay xasuuqeen khawaarijta ee dhaawacyada noqdey.

Wasiirka ayaa kormeerey sida ay u socdaan howlaha gurmadka ee looga gurmanayo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaawacmey Qaraxyadii is xigxigey ee nabadiidka ay ka geysteen xarunta Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku taala Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Dr Cali Xaaji Aadan Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,  ayaa howl wadeenada xarunta gurmadka Qaran ee Masiibadii Soobe ka xog wareystey halka ay howluhu marayaan isagoo tagaya goob kasta oo ay ka socoto howlaha gurmadka.

Wasiirka ayaa Yiri “Waxaan idinku boggaadinayaa howlaha muhiimka ah, ee  bahda Caafimaadka, oo isugu jiro kuwa dowladdu maamusho iyo kuwa gaarka loo leeyahay oo ay Shaley ilaa maanta u taagan badbaadinta iyo baxnaanada Shacabkii masaakiinta ahaa ee shaley khawaarijta ku xasuuqdey Soobe “.

 Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post