402 Views

Ciidamada Galmudug iyo rag hubeysan oo xalay ku dagaalamay Caabudwaaq

Ciidamada Galmudug iyo rag hubeysan oo xalay ku dagaalamay Caabudwaaq
____________________________________________________________________________


Isniin: January 24, 2022

 Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal geystay khasaare kala duwan oo xalay ka dhacay gudaha degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud kaas oo u dhexeeyey Galmudug iyo maleeshiyaad hubeysan.

Iska hor imaadka ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen ciidamo ka tirsan kuwa Galmudug oo howl-gal ka waday magaaladaas iyo rag hubeysan oo ku sugnaa xaafadda ammaana ee magaalada Caabudwaaq, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in rasaaseynta labada dhinac ay sababtay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac ee ku dagaalamay halkaasi.

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay iska hor imaadkan, kaas oo ka mid ahaa dableyda hubeysan halka uu dhaawac soo saaray askari ka tirsan ciidanka Galmudug.

https://0330b76ebe3e98fc266e93342cc56910.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-38/html/container.html Xaaladda ayaa saaka ah mid deggan, welina ma jiro wax faah faahin ah kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi.

Caabudwaaq ayaa waxaa maalmihii u dambeeyey ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, taas oo keentay in Galmudug ay magaaladaasi geyso ciidamo dheeraad ah.

Si kastaba, howl-gallada haatan socda ayaa ujeedkooda waxa uu yahay sidii looga hortegi lahaa amnia dirrada iyo dilalka ka dhaca gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post