201 Views

Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhaawaca iyo dhimashada ee ciidamada Somaliland ay u gaysteen Shacabka gobolka Sool

Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhaawaca iyo dhimashada ee ciidamada Somaliland ay u gaysteen Shacabka gobolka Sool
____________________________________________________________________________

Khamiis: 29 December 2022

Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhaawaca iyo dhimashada ee ciidamada Somaliland ay u gaysteen Shacabka gobolka Sool oo siwayn uga gadooday dilalka qorshaysan ee gobolka ka dhaca, oo uu ugu dambeeyay dilkii AHN Hadraawi Sangub.

Waxaana ugu danbeeyay oo dhaawacii soo gaadhay caawa u geeriyooday Alle ha u naxariistee Wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Cabdishakuur Axmed Salaad oo ciidanka Soomaliland ay toogteen, Waxaa sidoo kale dadka qalbigooda markale taabatay Qoraal uu baahiyey intuu noolaa kaasi oo ahaa “Intii daryeel xumo lagu noolaan lahaa, hala wada geeriyoodo .

Caawa waxaa sidoo kale weli magaalada ka socda kacdoonka shacabka, Rasaas ayaa la maqlayaa, Waxaana dilkii madax duubashada bedelay mid badheedh ah, Balse arintan waxay muujinaysaa inay inay si dhab ah shacabku u wada yaqiinsadeen in haldoorkooda oo dhami dil suge yihiin, Wixii la eedayna ay tahay aamusnaanta, dulqaadka, is ilowsiinta gumaadka iyo isa samirsiinta.

Dhinaca kale Xubno u shaqaynayey Somaliland oo kasoo jeeda Gobolka Sool oo ka damqaday gumaadka lagu hayo dadkooda ayaa is casilay, waxaana kamid ah, Gudoomiye ku xigeenka gobolka Sool Garyaqaan Maxamed Aadan iyo isuduwihii ciyaaraha gobolka Sool maxamuud askar (gurey), Tallaabadan ay qaadeen ayaa lasoo dhoweeyay.

Gobolka Sool iyo Dhibaatada ka jirta si xal loogu helo waxay u baahan tahay in la qaato go’aano munaasab ku ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post