864 Views

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo gaaray Dhuusamareeb, kuna dhawaaqay in si degdeg ah…

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo gaaray Dhuusamareeb, kuna dhawaaqay in si degdeg ah…
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Nofeembar 27- 2019 –Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka ah Cabdi Maxamed Sabriye ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

 

 

 

Wasiir Sabriye ayaa markii uu ka degay garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ayaa hadal kooban oo uu Warbaahinta siiyay waxaa uu sheegay in aysan hakan doonin dadaalada loogu jiro dhismaha maamulka Galmudug.

 

 

 

Mr Sabriye ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhisi doono maamulka Galmudug ee howshiisu socoto.

 

Guddiga Farsamada ee Maamul dhisida Galmudug ayaa maalin ka hor soo bandhigay jadwalka doorashada, waxaana maanta ay ku egtahay waqtiga uu Guddiga doorashada u qabtay inay ku soo xaroodaan Odayaasha dhaqanka Galmudug ee saxiixayaasha ah.

 

Dowladda Federaalka ayaa muddo lix bilood ku qaadatay howsha maamul dhisida Galmudug, iyadoo weli Ahlusuna ay saluugsan tahay habka ay dowladda wax u wado, isla markaana dhankeeda dooneyso in maamul kale ka garab sameyso.

 

 

 

Xafiiska WArarka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment