588 Views

Madaxda maamul goboleedyada dalka oo hambalyo ku aadan xuska 26-ka Juun u diray shacabka Soomaaliyeed

Madaxda maamul goboleedyada dalka oo hambalyo ku aadan xuska 26-ka Juun u diray shacabka Soomaaliyeed
____________________________________________________________________________

Axad: June 26, 2022

Madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa si wadajir ah shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda xuska 26-ka Juun iyo guud ahaan xuska todobaadka xorriyadda dalka.

Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen, Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa ayaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay 26-Juun xuska sannad-guurada 62-aad ee ka soo wareegtay markii ay xuroobeen Gobollada Waqooyi.

Dhanka kale, waxay si qoto dheer u tilmaameen ahmiyadda habeenkan ay u leedahay shacabka Soomaaliyeed, iyagoo shacabka ug u baaqay in ay u gurmadaan walaalaha ay saameysay abaarta dalka ka jirta..


Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post