300 Views

Qandaraas lagu Bixinaayo shidaalka Soomaaliya oo la ansixiyey

Qandaraas lagu Bixinaayo shidaalka Soomaaliya oo la ansixiyey
____________________________________________________________________________

Arbaco: SEPTEMBER 14, 2022

Guddiga isku-dhafka heer Wasaaradeed ee Qandaraas bixinta ayaa ansixiyay habraacyada qandaraas bixinta shidaalka ee u gudbiyay Wasiirka Wasaarada Batroolka Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Guddiga oo tixgelinaya codsiga Wasiirka ayaa waxay 12-kii bishaan ansixiyeen qandaraas bixinta Shidaalka Soomaaliya, kadib markii la is waafajiyey sharciyada iyo xeerarka u yaalla.

Sidoo kale waxa uu guddiga ansixiyay is-waafajinta qoddobada sharciga Batroolka iyo sharciga Iibka iyo Qandaraasyada Qaranka oo muddo hortaagna arrintan.

Wasiirka Batroolka ayaa sidoo kale dhankiisa ka mahad-celiyay tallaabada uu guddiga isku-dhafka heer wasaaradeed ee Qandaraas bixinta ay ku ansixiyeen qandaraas bixinta Shidaalka Soomaaliya.

“Guddiga Wasiirada maanta waxay ansixiyeen habka Qandaraas bixinta, kaasi oo muhiim u ah dejinta habraaca tartamada. Waxaa rabaa in u mahad-celiyo asxaabtayd sida ay uga tashadeen oo ay si taxadar leh u fiiriyeen labada dukumeenti iyo ansixintooda,” ayuu yiri Wasiirka.

Tallaabadan ayaa ka dhigan in Wasiirka Batroolka hadda kadib loo gacan baneeyay in wasaaradiisa ay geli karto heshiisyo qandaraas oo ku saabsan faa’iidaysiga kheyraadka shidaalka ee Soomaaliya, maadama la dhameystiray dhamaan habraacyada lagu maraynayo hanaanka bixinta qandaraasyada shidaalka.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in Guddiga isku-dhafka heer wasaaradeed ee Qandaraas bixinta ay shirarka uga qeyb-galeen wasiirada Cadaaladda, Arrimaha Gudaha iyo Maaliyada oo dhamaantood ah xubno ka tirsanaa xisbiga UPD ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post