279 Views

Dowladda Masar oo dacwad ka dhan ah Itoobiya u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey

Dowladda Masar oo  dacwad ka dhan ah Itoobiya u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey
____________________________________________________________________________

Midoobey sabti: JULY 30, 2022

Masar ayaa Jimcihii dacwad ka dhan ah Itoobiya u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey kadib qorshaha ay Itoobiya ku dooneyso inay ku buuxiso biyo xireenka muranka badan dhaliyay iyadoo aan wax heshiis ah laga gaarin arrintaas, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

Masar waxaa ‘ soo gaartay farriin uga timid Itoobiya 26-kii bishan taas oo sheegeysa in Itoobiya ay sii wadeyso buuxinta biyo xireenka” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda.

Masar oo taas ka jaawabeyso waxay dacwad u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo ay ku diideyso buuxinta Itoobiya ee biyo xireenka iyadoo aan wax heshiis ah laga gaarin khilaafka.

Wasaaradda arrimaha dibadda Masar waxay sheegtay inay ku adkeysanayaan ‘xuquuqdooda sharciga ah si ay u qaadaan dhammaan tallaabooyinka lagu xaqiijinayo ilaalinta amniga qaranka oo ay kamid tahay tallaabo kasta oo halis ah oo hal dhinaca oo ay waddo Itoobiya mustaqbalka”

Muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa soo xoogeysanayay xiisadda ka dhex taagan Masar iyo Itoobiya ee salka ku heysa dhismaha iyo buuxinta biyo xireenka ay ku adkeysaneyso Addis Ababa halka Qaahira ay hanjabeysay

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post