825 Views

Maamulka Jubbaland oo go’aan kasoo saartay Xaalada G/Gedo iyo digniina cusub

Maamulka Jubbaland oo go’aan kasoo saartay Xaalada G/Gedo iyo digniina cusub
____________________________________________________________________________

Dowlada Goboleedka Jubbaland ayaa War Goordhow kasoo saartay xaaladda siyaasadeed ee dalka, Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ee dhacaya dhammaadka sanadkaan 2020/2021 iyo Arrinta Gobolka Gedo.

War-saxaafadeed kasoo baxay Jubbaland ayaa marka hore waxaa lagu sheegay in Maamulka uu diyaar u yahay dalka ay ka qabsoonto doorasho waqtigeeda ku dhacda, kuna saleeysan hufnaan loona dhan yahay oo ah xor iyo xalaal.

Jubbaland ayaa sheegtay inay qeyb weyn ka qaadatay shirarkii is-daba jooga ahaa ee looga hadlaayay Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya iyo heshiiskii Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada heshiis rasmi ah uga gaareen Doorashada.

Sidoo kale Jubbaland ayaa tilmaamtay in marar badan kusoo cel-celisay War-saxaafadeedyo oo ay caddeyneyso in xad-gudubyo lagu haayo Gobolka Gedo ee ka tirsan Maamulkaas, isla markaana dowladda Federaalka geysay Ciidamo farabadan.

Jubbaland ayaa dalbatay in gacanta Maamulka lagu soo celiyo Gobolka Gedo oo ay gacanta ku hayaan Ciidanka dowladda Federaalka ay kal horey halkaas ku daabushay, waxaana Maamulka uu sheegay in Ciidankaas yihiin Jabhad ka amar qaata Saraakiisha Nabadsugida dowladda.

Waxaa kaloo Jubbaland caddeeysay in Gobolkaas aan lagu qaban karin Doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ilaa iyo inta laga saarayo Ciidanka markii horey halkaas lagu daabulay, kadibna gacanta loogu celiyo maamulka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post