3774 Views

R/Wasaaraha Soomaaliya iyo Wasiiro Oo ka qeyb galay Duco Roob Doon ah(Daawo Sawirada)

R/Wasaaraha Soomaaliya iyo Wasiiro Oo ka qeyb galay Duco Roob Doon ah(Daawo Sawirada)
____________________________________________________________________________

R/wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre , Xildhibaano ,Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya ,Saraakiil ciidan, iyo masuuliyiin ayaa maanta dad badan oo shacab ah kala qeyb galay dukashada salaad roob doon ah .

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Xasan Cali Kheyre waxa uu shacabka kula tukaday Masaajidka Isbaheysiga Islaamka Salaad Roob doon iyo duco ah, in Abaarta alle ka dulqaado umadda.

Xasan Cali Kheyre oo shacabka la hadlay salaada kadib, ayaa ugu baaqay shacabka inay is cafiyaan, si wada jir ahna alle u baryaan in abaarta alle ka dulqaado shacabka, isaga oo u duceeyay dadka ay abaartu ku dhufatay, isaga oo alle ka baryay inuu roob iyo barwaaqo ugu badalo abaarta.

Qaar ka mid ah wadaadada waaweyn ee dalka oo iyaguna shacabka la hadlay ayaa tilmaamay in qof kasta oo Soomaali ah ay waajib ku tahay inuu ka qeyb qaato taakuleynta dadkaasi abaarta u le’anaya, waxayna si gaar ah uga codsadeen ganacsatada Soomaaliyeed inay kaalin muuqata ka qaataan gargaarka loo fidinayo shacabkaasi.

robdon_3 robdon_4 robdon_5 robdon_6 robdon_7 robdon_8 robdon_9 Roobdoon Roobdoon2

.

.

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment