267 Views

Guddiga adeegga Bulshada ee Aqalka Sare oo kulan la qaatay Madaxda W. shaqada, arrimaha Bulshada

Guddiga adeegga Bulshada ee Aqalka Sare oo kulan la qaatay Madaxda W. shaqada, arrimaha Bulshada
____________________________________________________________________________

Axad: February 5, 2023 


Guddiga horumarinta adeegga Bulshada, arrimaha babani’aadanimad,Warfaafinta iyo dhaqanka Aqalka Sare oo gudanaya waajibaadkiisa uu u xilsaaranyahay ayaa maanta Xafiiska Guddiga ugu yeeray Masuuliyiinta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha guddiga horumarinta adeega Bulshada Aqalka Sare Senator Cismaan Maxamuud Maxamed (Dufle) ayaa wasiirka looga dhageystay war bixin ku saabsan qorshe howleedka Wasaaradda, arrimaha shaqaalaha iyo shaqo abuurka, mashaariicda ay maamusho iyo sida ay wasaaraddu uga hirgeliso mashaariicda Dowlad Goboleedyada.

Wasiirka Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Biixi Imaan Cige oo ay wehliyaan Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Cismaan Ibraahim Libaax, Wasiir Dowlaha Wasaraadda Yuusuf Maxamed Aadan iyo xubno kale oo la socday, ayaa guddiga faahfaahin ka siiyay howlaha shaqo ee Wasaaradda iyo dhammaan su’aalihii ay qabeen.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post