1644 Views

Qaar kamid ah golaha wasiirada KGS oo la Magacaabay

Qaar kamid ah golaha wasiirada KGS oo la Magacaabay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 2,, 2019 —Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa magacaabay qaar kamid ah golahiisa wasiirada.

Wasiiradaan la magacaabay oo ilaa Toban ah ayaa waxaa aanan ku jirin Haween, waxaana wasiiradaan la magacaabay ay u badanyihiin kuwo ku cusub saaxada siyaasada.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa dhawaanahan la tashiyo kala duwan la lahaa xubnaha Baarlamaanka Maamulkaasi, wax garadka iyo oday dhaqameedyada isaga oo sheegay in uu kala tashanayay soo xulista wasiirada ka mid noqonaya golahiisa wasiirada

Xafiiska Waraka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment