1038 Views

Mudaharaadyada Iran ee biyo yarida ka dhshay oo sii xoogeystay

Mudaharaadyada Iran ee biyo yarida ka dhshay oo sii xoogeystay
____________________________________________________________________________


Sabti: November 27, 202

Sarkaal sare oo ka tirsan booliska dalka Iran ayaa sheegay in tiro dad ah loo xiray mudaaharaadyo ka dhacay magaalada Isfahan.

Taliyaha booliiska ma uusan sheegin tirada dadka mudaaharaadayey ee la xiray Jimcihii intii lagu jiray mudaaharaad kale oo weyn oo ka dhashay biyo la’aan ka jirta magaalada saddexaad ee ugu weyn Iran.

Urur u dooda xuquuqda aadanaha Iran ayaa sheegay in boqol iyo labaatan qof la xiray, tiro dad ahna ay ku dhaawacmeen iska horimaad dhex maray booliska iyo dadki mudaharaadayey.

Muuqaallo dhowr ah oo baraha bulsada lagu baahiyey ayaa muujinaya dad tira badan oo mudaharaadyo dhigaya iyada oo booliskuna ay isku dayayaan mudaharaadayaasha iney hor istaagaan.

Laamaha ammaanka Iran waxay isku dhabar jabinayeen sidi ay u xakameyn lahaayeen rabshadaha ka dhashay dalka Iran ee socdo muddo tddobaad ka badan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post