708 Views

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya iyo xubno kale oo kamid Golaha midowga musharaxiinta oo shirar uga socdo Muqdisho..

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya iyo xubno kale oo kamid Golaha midowga musharaxiinta  oo shirar uga socdo Muqdisho..
____________________________________________________________________________

February 24, /2/ 2021 

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Golaha midowga musharaxiinta uu  xalay yeeshay shir saacado qaatay, kaas oo ay uga hadleen hadalkii xukuumada ee lagu joojiyay banaanbaxyada iyo kulamada dadweynaha.

Midowga musharaxiinta ayaa dejiyay qorshayaal suurta gelinaya in ay dhigaan banaanbaxa todobaadkaan waxaana la filayaa in sacaadaha soo socda la hadlaan saxaafada.

Dhinaca kale, dowladda Soomaaliya ayaa wado shirar gaar gaar ah oo ay uga hadleyso abaabulka banaanbaxa mucaaradka iyo sidii loo joojin lahaa banaanbaxaas.

Wasiiro ka tirsan xukuumada Rooble ayaa la kulmay siyaasiin ku heyb ah madaxweynayaashii hore ee dalka, waxeyna ka dalbadeen in ay ka qeyb-qaataan baajinta banaambaxa la qorsheeyay ee ka dhacaya taalada Daljirka Dahsoon

Durba Muqdisho waxaa laga dareemayaa culees ciidan iyo dhaqaaqyo ka socda dhinaca dowladda, goobo hor leh ayaa ciidan la dhigay waxaana la baarayaa gaadiidka iyo dadweynaha, halka wadada aada garoonka diyaaradaha xalay biro lagu gooyay loona diiday gaadiidka u socda dhinaca garoonka

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post