525 Views

Midowga Afrika oo war ka soo saaray xiisadda Suudaan iyo Itoobiya

Midowga Afrika oo war ka soo saaray xiisadda Suudaan iyo Itoobiya
____________________________________________________________________________

Arbaco: June 29 2022

Madaxa guddiga Midowga Afrika ayaa ku baaqay in la is xakameeyo, oo la is dejiyo, lana wada hadlo, iyadoo muranka xadka ee u dhaxeeya Itoobiya iyo Suudaan aad looga cabsi qabo inuu cirka isku sii shareero.

Bayaan uu soo saaray, Moussa Faki Mahamat ayuu ku yiri “labada dal ee walaalaha ah” waa inay ku dhameeyaan wixii khilaaf ah si nabad ah.

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Suudaan ayaa ku dagaalamay deegaanka lagu muransan yahay ee Al-Fashaga, kaddib markii la sheegay in goob fagaare ah lagu toogtay 7 askari oo Suudaani ah iyo qof rayid ah dhammaadkii isbuucii hore

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post