858 Views

Dadka Kuuriyada Waqooyi oo ka walaacsan Kim Jong Un oo caatoobay?

Dadka  Kuuriyada Waqooyi  oo ka walaacsan Kim Jong Un oo caatoobay?
____________________________________________________________________________

Talaado: June 29 2021

Telefishinka qaranka Kuuriyada Waqooyi ayaa baahiyay wareysi aan caadi ahayn oo ay ka qaadeen nin deggan magaalada Pyongyang oo sheegay in isaga iyo dadka kale ee ku nool caasimadda “ay ka naxsna yihiin” miisaanka ka dhacay hoggaamiyaha dalkaas Kim Jong Un.

Kim ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay lagu arkayay warbaahinta qaranka ee Kuuriyada Waqooyi isaga oo si la dareemi karo u caatoobay, taas oo la yaab ku noqotay bulshada dalkaas.

Xukuumadda Pyongyang si rasmi ah ugama aysan hadlin haddii uu jiro isbeddel ku yimid miisaanka Kim amaba caafimaadkiisa.

Qofkan oo aan magaciisa la shaacin ayaa weriye ka tirsan KCTV, u sheegay “dadka, oo aan aniga ka mid ahay, waxay intooda badan ka naxeen markii aan aragnay Xoghayaha Guud ee xushmadda loo hayo (cinwaanka rasmiga ah ee Kim Jong Un) oo caato ah … qof walba wuxuu sheegay inay arrintaas ka ilmeysiisay.”

Ma cadda qofka uu ahaa ninka la wareystay, sababta loo doortay amaba in fekerkiisa uu ka turjumayo kan dhammaan bulshada ku nool magaalada Pyongyang. Balse dhammaan waxa ka baxa warbaahinta Kuuriyada Waqooyi waxaa ansixisa dowladda.

Si kastaba, wareysigu wuuxu u muuqdaa mid hal mar uun la baahiyay, taas oo ka dhdigan inay sidoo kale suurto gal tahay inuu ka soo dusay warbaahinta. Kuuriyada Waqooyi ayaa inta badan dib u baahisa wararka beddelkii ay warbaahintu tebin toos ah sameyn lahaayeen.

Caafimaadka Kim waa mid si gaar ah loola socdo gudaha dalkaas, oo ay hoggaamiyeyaashiisu aad uga baqaan afgembi amaba in maamulka talada haya la beddelo. Dalkaasi ayaa waxay weerarro is dhaafsadaan Mareykanka iyo Kuuriyada Koofureed.

Kim iyo qoyskiisa ayaa xushmad aad u sarreysa ku leh warbaahinta Kuuriyada Waqooyi. Xitaa in la isla dhex maro warar ku saabsan caafimaadkiisa ayaa qofka u soo jiidi karta dhibaato weyn, sida ay khubarradu sheegayaan.

Warbaahinta Kuuriyada Waqooyi, marar dhif ah ayay ka hadashay caafimaadka hoggaamiyaha dalkaas. Kim ayaa la sheegay inuu yara xanuunsaday mar laga waayay warbaahinta sanadkii 2014.

Markii aabbaha Kim, Kim Jong Il, uu wadno xanuun u dhintay sanadkii 2011, warbaahinta dowladda ayaa geeridiisa u aaneysay inay ka tan badatay shaqadii uu u hayay bulshada dalkaas.

Cheong Seong-chang, oo ah khabiir u dhashay Kuuriyada Waqooyi waxna ka dhigay Machadka Sejong oo ku yaalla meel u dhow Seoul, ayaa sheegay inay suurto gal tahay in Pyongyang ay dooratay in si aan qarsoodi ahayn ay u garwaaqsato isbeddellka ku yimid muuqaalka Kim si ay “u tiraahdo tani maaha wax weyn.”

Balse Cheong ayaa sheegay in laga yaabo in Kuuriyada Waqooyi ay isku dayeyso in xaaladda haatan ee Kim ay ku tilmaanto inuu dadaal ugu jiro horumarinta nolosha dadka.

“Waxaa laga yaabaa in Kuuriyada Waqooyi ay isku dayeyso inay dadka ka gaddo fekerka ah in Kim Jong Un uu u caatoobay sababo la xiriira inuu aad u shaqeynayo si uu u horumariyo nolosha bulshada,” ayuu yiri Cheong.

Haatan, xaaladda gudaha Kuuriyada Waqooyi ayaa u muuqata mid aan wanaagsaneyn. Kim ayaa horraantii bishan qabtay shir muhiim ah oo looga hadlayay xaaladda abaar ee ka jirta dalkaas.

Beeralleyda dalkaas ayaa weli ka soo kabanaya duufaantii sanadkii hore. In dibadda wax laga soo dhoofiyana way adag tahay xilligan oo xudduudaha qaarkood loo xiray sababo la xiriira xayiraadaha Covid-19.

Kim ma uusan carrabaabin xaddiga cunno yaraan ee dalkaas ka jirta, balse hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunnada ee (FAO) ayaa dhowaan sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay ka jirto cunno yaraan qiyaastii 860,000 oo tan ah.

\Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post