264 Views

Maamulka Gobolka Banaadir oo ka shiray dardargelinta qorshe howleedka sanadka cusub

Maamulka Gobolka Banaadir oo ka shiray dardargelinta qorshe howleedka sanadka cusub
____________________________________________________________________________

 Isniin: January 2023

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shir guddoomiyay shirka Degmooyinka, kaas oo looga hadlay sidii sanadkan cusub ee 2023 horumara muuqdo oo la taaban karo looga hirgalin lahaa Caasimadda.

Shirkan waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeennada Maamulka Gobolka Banaadir, Xog’hayaha guud ee Gobolka, Taliyaha Ciidanka Ilaalinta Deegaanka, Guddoomiyaasha Degmooyinka, iyo Agaasimayaal,

Shirkan oo ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose Xamar ayaa qodobadii looga hadlay waxaa kamid ahaa dardargalinta Amniga, kor u qaadista Daqliga, Nadaafada iyo Horumarinta isdhaxgalka Bulshada,

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shirka ka sheegay in guddoomiye kaste iyo Agaasime kaste lagula xisaabtami doono mas’uuliyadda uu shacabka u hayo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post