741 Views

Waa kumaa Seynisyahanka Niyukleer Iiraan ee la khaarajiyay?

Waa kumaa Seynisyahanka Niyukleer Iiraan ee la khaarajiyay?
____________________________________________________________________________

Mohsen Fakhrizadeh, waa seynisyahanka ugu caansan ee barnaamijka Niyukleerka Iiraan, islamarkana waxaa uu ka mid yahay shaqsiyaadka ugu sareeya ee ilaalada kacaanka Iiraan.

Waxaa muddo dheeer aad u hadal hayay hay’adaha sirdoonka reer galbeedka oo ku tilmaamay in uu udub dhaxaad u yahay barnaamijka Niyukleerka Iiraan.

Sida ku cad dikumiinti sir ah oo ay heshay Israa’iil 2018, waxaa uu Fakhrizadeh hogaaminayay barnaamij lagu dhisayo hub Niyukleer ah.

Sidoo kale mar ayaa, rai’sul wasaarah Israa’iil Benjamin Netanyahu waxaa uu ku tilmaamay Fakhrizedeh in uu yahay Seynisyahanka hogaamiya barnaamijka, waxa uuna xilligaas Netanyahu ugu baaqay dadka ay “magaciisa xusuusnaadaan”.

Sanaddii 2015, wargeyska New York Times ayaa la barbar dhigay J Robert Oppenheimer, oo ahaa seynisyahankii hagayay soo saaridda hubkii Atoomikada ee ugu horeeyay ee Mareykanka dagaalkii labaad ee aduunka.

Fakhrizadeh ayaa la sheegay in uu ahaa ninkii horkacayay mashruuca Amad, oo la sheegay in uu ahaa barnaamij qarsoodi ah oo la asaasay sanaddii 1989 islamarkana ahaa cilmi-baarid ku saabsanayd suurtagalnimada dhisidda Bam Niyukleer ah.

Xaruntaasi ayaa la xiray 2003, sida ay sheegtay hay’adda quwadda atoomikada ee IAEA,.

Balse Mr Netanyahu ayaa sheegya in dikumiintiga ay heleen 2018 uu muujinayo in Fakhrizadeh uu wali hogaaminayo barnaamijkasi lagu magacaabo Amad ee lagu farsameynayo Niyukleerka.

Hay’adda IAEA ayaa dhanka kale muddo dheer dooneysay inay la hadasho Mr Fakhrizadeh taasi oo qeyb ka ahayd baaritaankeeda ku aadan barmijka Niyukleerka.

Shaki laga qabay in Iiraan ay barnaamijka u isticmaaleyso farsameynta hub Niyukleer ah ayaa sababtay in Midowga Yurub, Qaramada Midoobey iyo Mareykanka ay cunaqabateyn ku soo rogaan dalka Iiraan 2010.

Heshiiskii 2015 ay Iiraan la gaartay dalalka Mareykanka, Britain, Fransiiska, shiinaha, Ruushka iyo Jarmalka ayaa waxaa uu horseeday inay Iran xaddido howlaheeda Niyukleer, iyada oo ku badalanaysa in cunaqabateynta laga qaado.

Balse markii uu xukunka Mareykanka la wareegay Donald Trump ayaa waxaa uu gabi ahaanba isaga baxay heshiiskaasi.

Dhanka kale xiisadda u dhaxeysa Mareykanka iyo Iraan ayaa cirka isku shareertay bishii January ka dib markii ay Mareykanka dileen Janaraal Qasem Soleimani, oo ahaa abaanduulihii xoogagga Quds.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post