3063 Views

Maxaa ka taqaan taariikhda guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya ?

Maxaa ka taqaan taariikhda guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya ?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 30, 2018 – Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya u doortay Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan  ka dib doorasho ka dhacday Muqdisho.

Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan  waxa uu ku dhashay magaaladda Baydhabo sannadkii 1957-kii, wuxuuna W/barashadiisa ilaa Dugsiga Sare ku soo kala qaatay magaallooyinka Baydhabo iyo Muqdisho.

Inta uusan ku soo biirin Hay’addaha Dowladda waxa uu mar soo noqday Ku-xigeenka Guddoomiyaha Baydhabo, wuxuu kale caan ku ahaa Hawlaha Bulshadda, isagoo gacan ka geysta Biyo-gelinta magaalladda Baydhabo iyo sidii Teknoolajiyadda Casriga loo gaarsiin lahaa Baydhaabo.

Dadka isaga jaalka la ah ama ay isla soo shaqeeyeen waxay kaloo sheegaan inuu Dugsi lagu barto Kombiyuutarka iyo Software-ka ka hirgeliyey Baydhabo xilli ay Reer Baydhabo u soo aadi jireen Muqdisho, si ay u bartaan Kombiyuutarka iyo Teknoolajiyada Elektoroonika.

Maxamed  Mursal Sh. C/raxmaan waxa uu Waxbarashadiisa Jaamacadeed ku soo qaatay dalka Yemen, wuxuuna ka soo qalin jebiyey Jamaacadda Sayniska iyo Teknoolajiyadda (University of Science and Technology) oo ku taalla Caasimadda dalkaasi ee Sanca.

Waxa kale oo uu Shahaaho ama Diploma ka haystaa Teknoolajiyada Warfaafinta (Diploma of Information Technology) iyo Shahaadada  Xiriirka Dadweynaha (Diploma of Public Relation).

Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan waxa uu dadaal dheer kadib nasiib u yeesho in loo magacaabo Xil Danjirenimo.

Danjire Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan waxa uu Waraaqihiisa Aqoonsiga Danjirenimo u gudbiyey Madaxweynihii hore ee  Turkiga, Cabdalla Guul taariikhdu markay ahayd  bishii July 6-dii ee sannadkii 2012-kii.

Danjire Maxamed Mursal waxaa Xilkaasi laga qaaday bishii May 28-dii ee sannadkii 2015-kii, kadib, markii ay soo baxeen Cabasho iyo Dhaliil ka dhex jirtay Safaaradda Soomaaliya ku lahayd Turkiga.

Maxamed Mursal Sh. C/qaadir waxaa uu bishii November 25-dii ee sannadkii 2015-kii noqday Wasiirkii Korantada iyo Biyaha ee Xukuumaddii Ra’isul-wasaare Cumar C/rashiid.

Tan iyo markii ay Dowladdii Federalka ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud laga guuleystay, Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan wax Xil Dowladeed ma haynin ilaa Bishii November 2017-kii  oo uu Ra’isul-wasaare Xasan Cali Kheyre u magacaabay Xilka Wasiirka Difaaca ee XFS.

Wasaaradda Difaaca ayaa Bilaa Wasiir ahayd tan iyo bishii October 12-dii ee sannadkaasi, kadib, markii uu Wasiirkii hore, C/rashiid C/llaahi Maxamed iska casilay Xilkaasi.

Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan   ayaa la sheegay in ay waday Xukuumadda Xasan Cali Kheyre.

.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment