915 Views

Maxay ka wada hadleen RW Kheyre & Guddoomiyaha G/Hiiraan?

Maxay ka wada hadleen RW Kheyre & Guddoomiyaha G/Hiiraan?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Isniin  , March 2, , 2020 —Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale oo maalmahaan ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya waxaa uu kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre.

 

Labada Mas’uul ayaa waxaa ay ka wada hadleen arrimo ay kamid yihiin wax ka qabashada fatahaadaha soo laab laabtey ee Gobolka Hiiraan,Dayactirka iyo dib u dhiska Garoonka Diyaaradaha Beledweyne iyo qodobo kale.

 

 

 

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre ayaa u balan qaadey Guddoomiyaha Maamulka gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale in Dowladda Soomaaliya ay dhamaan fulin doonto arrimihi ay ka wada hadleen oo ay ugu horeeyso wax ka qabashada fatahaadaha soo laab laabtey.

 

Guddoomiyaha Maamulka gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale ayaa Dowladda Soomaaliya uga mahad celiyey taageerada ay la garab taagan tahay Maamulka Hir-Shabeelle gaar ahaan Maamulka gobolka Hiiraan,isaga oo balan qaadey in la xoojin doonin xiriirka wada Shaqeyn ee ka dhaxeeya.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment