1722 Views

IOM oo xafiiskeedii Nairobi u soo wareejisay Muqdisho

IOM oo xafiiskeedii Nairobi u soo wareejisay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 19, 2018 –Hay’adda socdaalka u qaabilsan Qaramada Midoobey ee loo soo gaabiyo IOM ayaa maanta xafiiskeeda u soo wareejisay magaalada Muqdisho, kana soo wareegtay Nairobi.

Wasiirka  Wasaaradda qorsheynta iyo xiriirka Caalamiga ah Jamaal Maxamed Xasan oo ka qeybgalay munaasibadda lagu furyay xafiiska IOM ee Muqdisho ayaa bogaadiyay go’aanka hay’adda ay xafiiskeeda ugu soo wareejisay magaalada Muqdisho.

Wasiir Jamaal Maxamed , ayaa dhamaan hay’adaha aan dowliga ahayn ee ka howlgala Soomaaliya ugu baaqay in ay raacaan IOM islamarkaana xafiisyadooda ka furtaan Muqdisho.

Wasiirku waxaa uu sheegay in Hay’addii xafiiskeeda Muqdisho u soo wareejin weysay waxii ka horreeya 31ka Bishan December ay Dowladda Federaalka ah kala laabaneyso ruqsadda ay uga shaqeyso Soomaaliya.

Dhowr bilood ka hor ayuu Wasiir Jamaal Hay’adaha aan dowliga ahayn ee ka howlgala Soomaaliya ku wargeliyay in ay xafiisyadooda Nairobi u soo wareejiyaan Muqdisho.

Burburkii kaddib hay’adaha ka howlgala Soomaaliya ee aan dowliga ahayn ayaa waxaa ay ku shaqeynayeen Xafiisyo ay ku leeyihiin caasimadda Kenya ee Nairobi.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment