1404 Views

Maxkamad ku taala Myanmar oo dhagaysatay dacwad ka dhan ah haweeneyda hogaamiyaha ka aheyd dalkaas ee Aan Saan Suu Kii ee xilka laga

Maxkamad ku taala Myanmar oo  dhagaysatay dacwad ka dhan ah haweeneyda hogaamiyaha ka aheyd dalkaas ee Aan Saan Suu Kii ee xilka laga
____________________________________________________________________________

1da Maarso, 2021

Maxkamad ku taala dalka Myanmar ayaa maanta dhagaysatay dacwad ka dhan ah haweeneyda hogaamiyaha ka aheyd dalkaas ee Aan Saan Suu Kii ee xilka laga tuuray bishii hore.

Dacwad oogayaasha ayaa haweeneydaan ku oogay dambiyo ay dalkaas ka geysatay intii ay xukunka haysay ka hor bilowgii bishii February ee sanadkaan.

Inkastoo dacwada lagu oogay Aan Saan Suu Kii oo aan goob joog ahayn hase ahaatee muuqaalka fogaan araga tooska ah ku jirtay ayaa iska difaacday eeda loo jeediyay.

Qareenada u doodaya haweeneydaan madaxda ka aheyn Myanmar ayaa sheegay inay u muuqatay in xaaladeeda caafimaad wanaagsantahay oo aan loo geysan wax jir dil ah.

Gudoonka maxkamada ayaa dhagaysiga kiiska Aan Saan Suu Kii  mar kale dib u dhigay illaa 15 bishaan.

Wax yar kadib markii uu soo dhamaaday maxkamadaynta haweeneydaan dibadbaxyo rabshado watay ayaa ka dhacay banaanka maxkamada taasoo keentay dhimashada 18 ruux sida ilo caafimaad ku waramayaan

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post