1023 Views

Aqalka sare Mareykanka oo meelmariyay dhaqaalihii ugu badnaa ee Mareykanka uu ansixiyo cudurka Covid 19

Aqalka sare Mareykanka oo meelmariyay dhaqaalihii ugu badnaa ee Mareykanka uu ansixiyo cudurka Covid 19
____________________________________________________________________________

.

6-da Marso 2021

\Aqalka sare ee dalka Mareykanka ayaa u codeeyay oo meelmariyay dhaqaalihii ugu badnaa ee Mareykanka uu ansixiyo, lacagtaas oo looga gaashaamanayo waxyeelada ka dhalatay saameynta cudurka Covid 19.

Lacagtan oo gaareysa 1.9 tiriliyan oo ay taageereen 50 xubnood oo katirsan aqalka Senetka ee dalka Mareykanka ayaa haatan loosii gudin doonaa aqalka wakiilada , halkaas oo iyaguna la filayo inay ansixiyaan.

Lacagahan kabka ah ayaa waxaa u ololeynayay madaxweynaha dalka Mareykanka, Joe Biden haseyeeshee xisbiga Jamhuuriga ayaa cambaareeyay arrinkan iyagoona sheegay in lacagtu ay aad u badan tahay.

Muddo toddobaadya ah dalka Mareykanka waxaa ka taagaan dood la xiriirta tirada lacagta ay tahay in la siiyo dadka shaqo la’aanta ah ee dalka Mareykanka, taas oo xisbiga Dimuqraadiga dooda kadib ay oggolaadeen in laga dhimo 400 oo doollar oo laga dhigo 300 oo doollar toddobaadkiiba calaa qof.

Barnaamijkan loogu gargaarayo dadka shaqo la’aanta ayaa la sheegay in uu socon doonaa ilaa iyo horraanta bishan Sabtembar ee sanadkan 2021.

Barnaamijkan gargaarka ayaa sidookale waxaa kamid ah lacag dhan 1,400 oo doollar oo qofka la siinayo mar qura. Dhibaatada ka dhalatay xanuunka Corona ayaa waxaa dalka Mareykanka ugu dhintay 523 kun oo qof halka uu sidookale ku dhacay dad gaaraya 29 milyan.

Barnaamijkan loogu magac daray qorshaha badbaadada ayaa lacag dhan 350 bilyan oo doollar waxaa loo qoondeeyay dowlad goboleedyada iyo dowladaha hoose halka lacag dhan 130 bilyan na loo qoondeeyay iskoolada dalkaas.

Afartan iyo sagaal bilyan oo doollar oo kamid ah barnaamijkan gunti-giijiska ayaa sidookale wax looga qaban doonaa baaritaanada iyo cilmi-baarisra la xiriirta Corona halka 14 bilyan na lagu kharash gareyn doona bixinta tallaalka cudurka.

Lacag dhan 1,400 oo doollar ayaa durbaba la siin doonaa dadka uu soo galo dhaqaalaha badan.

Barnaamijkan uu meel mariyay aqalka sare ee Mareykanka ayaa sidookale waxaa kamid ah lacago deeq ah oo lasiin doona ganacsiyada yaryar iyo kuwa waaweyn oo ay kamid yihiin shirkadaha waaweyn ee uu saameyay xanuunka.

Tallaabadan ayaa loo arkaa inay culeyska ka qaadeyso shacab badan oo Mareykanka oo ay shaqo la’aan ku dhacday kadib markii uu bilawday xanuunka Covid 19.

BBC

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post