1080 Views

Shir laga yeeshay Amniga xuska maalmaha Xorriyadda

Shir laga yeeshay Amniga xuska maalmaha Xorriyadda
____________________________________________________________________________

Waxaa magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Xubnaha guddiga Qaran ee qaban qaabada xuska maalmaha xorriyadda 26 June iyo 1-da Luulyo & Hay’adaha Amniga dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo uu shir guddoomiyay  Wasiirka Warfaafinta XFS ahna Guddoomiyaha guddiga Qaran ee qaban qaabada xuska maalmaha xorriyadda 26 June iyo 1-da Luulyo Cismaan Obokar Dubbe ayaa looga hadlay sidii loogu diyaar garoobi lahaaxuska Maalmaah Corriyada.

Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlay sidii loo xaqiijin lahaa amniga guud e dalka gaar ahaan Caasimadda inta ay socdaan munaasabadah maalmaha xorriyadda 26 June iyo 1-da Luulyo oo lagu qabanayo Magaalada Muqdisho.

Xubnaha Guddiga Qaran ee qaban qaabada xuska maalmaha xorriyadda 26 June iyo 1-da Luulyo ee uu Magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa ay ku guda jiraan qaban qaabadii ugu dambeeyeysay ee munaasabada xuska Maalmaha Xorriyada oo maalmo koban inaga xigaan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post