984 Views

Guddoomiyihii Baarlamaanka Puntland oo gaaray Dhahar

Guddoomiyihii Baarlamaanka Puntland oo gaaray Dhahar
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 12, 2019–Magaalada Dhahar ee Gobolka Sanaag waxaa Maanta gaaray oo lagu soo dhaweeyey Gdudoomiyihii Baarlamaanka Puntland Cabdi Xakiin Dhoobo-Daareed,kaas oo dhawaan Xubnaha Golaha Wakiilada Puntland ay xilkii ka qaadeen.

 

Cabdi Xakiin Dhoobo Daareed ayaa maalmahaan ku sugnaa Magaalada Xiingalool,waxaana shalay la filayay in uu tago Magaalada Dhahar,hayeeshee warar soo baxayay ayaa waxaa ay sheegayeen in Madaxtooyada Puntland ay amartay in laga celiyo Magalada.

 

 

 

Odayaasha & Waxgaradka Magaalada Dhahar iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa soo dhaweeyey Wafdiga Cabdi Xakiin Dhoobo Daareed Guddoomiyihii Baarlamaanka Puntland.

 

 

 

Guddoomiyihii Baarlamaanka Puntland Cabdi Xakiin Dhoobo Daareed oo so dhaweyn kadib Warbaahinta la hadlay ayaa uga mahad celiyey soo dhaweynta loogu sameeyey Magaalada Dhahar.

 

Waxaa uu sheegay in Gudaha Magaalada ay isku wareysan doonaan,isla markaana uu wadatashi la qaadan doono bulshada kala duwan ee ku nool Maagalada Dhahar ee Gobolka Sanaag.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment