927 Views

Gudoomiye Cumar finish oo furay imtixaanka Fasalka 8aad

Gudoomiye Cumar finish oo furay imtixaanka Fasalka 8aad
____________________________________________________________________________

Isniin:June 13, 2022

Qiimaha shidaalka lagu shubto gaadiidka ayaa haatan maraya halkii ugu sarraysay ee uu gaadho dalka Maraykanka, iyada oo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa si rasmi ah u daahfuray qaadista Imtixaanaadka shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Dugsiyada gobolka Banaadir oo ay maanta u fadhiisteen in ka badan 27-kun oo Arday.

Gudoomiye Cumar Filish ayaa warqadaha imtixaanka mid mid ugu qeybiyay Ardaydii soo xaadirtay xarunta Jaamacada Ummada oo kamid ah goobaha lagu qaadayo imtixaanadka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee dugsiyada gobolka Banaadir.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ugu dambeyn guul u wada rajeeyay dhamaan ardayda maanta Imtixaanaadka u fadhiistay.

. Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post