1395 Views

Dhagayso:-WAREYSI: Xildhibaanadii Mooshinka ka laabtay oo beeniyay in xilal loo balanqaaday

Dhagayso:-WAREYSI: Xildhibaanadii Mooshinka ka laabtay oo beeniyay in xilal loo balanqaaday
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Diseembar 21, 2018 –Xildhibaan Maxamed Xasan idiris (Ganeey), oo kamid ah Xildhibaanadii Mooshinka ka gudbiyay Madaxweyne Farmaajo, ayaa ka hadlay qoraalka fiidkii hore ee xalay uu soo saaray Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Guddoomiyaha golaha shacabka, ayaa ku dhawaaqay in uu buray islamarkaana laga laabtay Mooshinkii kadhanka ahaa madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, mooshinkan ayaa  92, xildhibaan oo kamid ah golaha shacabku waxa ay geeyeen xafiiska guddoomiyaha golaha shacabka  9-December-2018.

Xildhibaan ganeey, ayaa sheegay iney xalka danta ka arkeen Xildhibaanada uu ku jiro ee Mooshinkaas isaga laabtay, Isagoo tilmaamay in wixii haatan ka danbeeya ay dib u bilaabanayaan Shaqooyinkii Baarlamaanka.

Xildhibaan Maxamed Xasan idiris (Ganeey), ayaa meesha ka saaray wararka la xiriiro inuu jiro heshiisyo hoose, Is afgarad iyo in xilal loo balanqaaday qaar kamid ah xubnihii mooshinka hor boodayay.

Xukuumada Ra’iisul Wasaare Khayre, ayuu sheegay ineysan maaro u heyn 92 Xildhibaan oo Mooshinka gudbisay markii hore.

Dhagayso

.Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment