2166 Views

Puntland oo cambaareysay lacagtii loogu deeqay Somaliland

Puntland oo cambaareysay lacagtii loogu deeqay Somaliland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 5, 2018 – Maamulka Puntland ayaa sharci daro ku tilmaamay  lacag hal malyan ah oo dowladda federalka Soomaaliya ay shalay ku dhawaaqday in loogu deeqay maamulka Somaliland, dhawaan ay ku dhufteen duufaano xooggan oo sameyn weyn gaarsiiyay dad iyo duunyo.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdulaahi Cali Xirsi Timacadde  Warbaahinta kula hadlay Magaalada Garowe ayaa cambaareeyay lacagtaan isagoo sheegay in loogu talo galay in Muuse Biixi hub loogu iibiyo islamarkaana lagu huriyo colaada ka taagan Sool.

Wasiirka ayaa xusay in Puntland inaysan kasoo horjeedin in shacabka Soomaaliyeed ku dhaqan waqooyiga Soomaaliya in lacagtaas wax loogu qabto, balse ay ka walaacsan yihiin in loo adeegsado arrimo siyaasadeed iyo abaabul colaadeed.

Dawladda Soomaaliya ayaa hal milyan oo Doollar ugu deeqday hawlaha gurmadka duufaatanadii ka dhacay degaanada Maamulka Somaliland.

Gudiga Qaran ee gurmadka oo uu shir gudoominayay Raiisal wasaare ku xigeenka dalka ayaa sheegay in Dawladdu ay dadaal badan ku bixisay sidii loo caawin lahaa muwaadiniinta ay saameeyeen fatahaadaha iyo roobabka dabaylaha watay ee ku dhuftay qeybo ka mid ah gobollada dalka.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment