1047 Views

Axmed Madoobe oo wada-hadal ugu baaqay Dowladda

Axmed Madoobe oo wada-hadal ugu baaqay Dowladda
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October15–2019 —Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka hadlay khilaafka xilligaan kala dhaxeeya Madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya , isaga oo ku baaqay in wada-hadal lagu xaliyo khilaafka labada dhinac.

 

Axmed Madoobe ayaa shegay in dowladda Federaalka ay tahay hooyada dalka,isla markaana looga baahan yahay in wixii qalad ah ay saxdo,isla markaana wixii wanaag iyo Sharci ah la isugu yimaado dadkana isu keento.

 

“Waxaan rabnaa wadanka dowladda iyada ayaa xukunta anaga khilaaf ma wadno hoggamintooda ayaan rabnaa xumaan ma wadno,waxaana diyaar u nahay wax kasta oo lagu xalin karo khilaafka gudaha iyo kan dibada ayuu yiri” Axmed Madoobe.

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay in wax kasta oo qalad ah oo dalka ka dhaca ay mas’uuliyadeeda qaadayaan Madaxda sare ee Dowladda Federaalka,hayeeshee Jubbaland ay mar kasta diyaar u tahay wada-hadal iyo Nabad.

 

Khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland ayaa xilligaan maraya meel sare,waxaana uu sii xoogeystay markii Magaalada Kismaayo dib loogu doortay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe,hayeeshee qaadacday Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment