936 Views

Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo u yeeray Wasiirka Batroolka & Macdanta Soomaaliya

Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo u yeeray Wasiirka Batroolka & Macdanta Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Khamiis: April 21, 2022

War- saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa lagu sheegay in Xafiiska uu bilaabayo 26-ka bishaan April ee sanadkaan baarista heshiis sharci daro ahaa oo ay Wasaaradda Batroolka Soomaaliya la gashay Shirkad gaar loo leeyahay oo lagu magacaabo Costline Exploration Limited.

“Hadaba xafiiska xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranku isaga oo gudanaya waajibaadkiisa shaqo ee loo igmaday ayuu taariikh 26/4/2022 bilaabay baarista heshiiska sharci darada ahaa ee ay Wasaaradda Batroolku la gashay shirkad Coastline Exploration Limited.” Ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka.

Sidoo kale Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ayaa u yeeray Wasiirka Wasaaradda Batroolka & Macdanta Soomaaliya, waxaana warqada lagu faray inuu yimaado Xafiiska Xeer illaaliyaha Guud ee Qaranka Maalinta isniinta ee taariikhdu tahay 25/4/2022-ka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post