783 Views

Ku-xigeenka dhinaca amniga Gobolka Banaadir oo si layaab leh uga hadlay Qaraxii Goor dhawayd..

Ku-xigeenka dhinaca amniga Gobolka Banaadir oo si layaab leh  uga hadlay Qaraxii Goor dhawayd..
____________________________________________________________________________

February 23, 2021 

Guddoomiye Ku-xigeenka dhinaca amniga iyo Siyaasada Maamulka gobolka Banaadir Cali Yare Cali ayaa  si laayb leh uga hadlay Qaraxii goor dhawayd ka dhacay Muqdisho gaar ahaan meel ku dhow Saldhiga Booliska degmada Xamar-weyne.

Cali Yare Cali  ayaa sheegay in Nin watay jaakad waxyaabaha Qarxa ku xirneyd ay markii hore shacabka ka shakiyeen, isla markaana uu tuuray Jaakada Qaraxday xili ay ceyrsanayeen ciidamada amaanka oo lagu wargeliyey.

Hadalka Cali yare ayaa u eg mid is burinaya mar waxa uu leeyahay ninkii ayaa Jakada Tuuray, Marna waxa uu leeyahay Ciidamada ayaa Cayrsanayay Ninka jaakada watay taasi oo ah Hadal is dhaafsan.

Cali Yare ayaa sheegay in qaraxa uu ku dhaawacmay sarkaal ka tirsan Booliska, isla markaana uusan jirin khasaare kale oo ka dhashay, isagoo xusay in gacanta lagu dhigay qof laga shakisan yahay inuu watay qaraxaas.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post