696 Views

Dagaalka Soomaalida & Canfarta oo dib u billowday

Dagaalka Soomaalida & Canfarta oo dib u billowday
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 29, 2021 —Waxaa lagu soo warramayaa in uu dagaal dib uga bilowday agagaarka magaalada Garba-ciise iyo aagga tuulada Gawracan ee gobolka Siti ee dowlad degaanka Soomaalida.

Dagaalkan u dhexeeya Soomaalida iyo Canfarta ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka socday halkaas inkasta oo shaley xaaladda ay aheyd mid degan.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka Maanta ay ku geeriyoodeen in ka badan 5 Ruux tiro kalena au ku dhaawacmeen, kuwaas oo ka kala tirsan labada dhinac ee davaalamay.

Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa bishii lasoo dhaafay ku eedeysay ciidamada Canfarta in dad rayid ah ay ku laayeen Garba-ciise kadib markii ay weerareen dad Xoolo dhaqato ah oo degaannadooda ku sugan

Maamulka dowlad degaanka Soomaalida waxaa uu  sheegay in uu difaaci doonaan shacabka degan Garba Ciise iyo deegaanada ku hareereysan, kuwaas oo ay weerar kusoo qaadeen maleeshiyaadka Canfarta.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdish

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post