1236 Views

Booliska oo shaaciyey sababta loo xirey Maxamuud Ramaax

Booliska oo shaaciyey sababta loo xirey Maxamuud Ramaax
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 25 2019 | —Ciidamada Booliska Somaliland ayaa xiray xoghayihii Arrimaha Gudaha ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Maxamud Cali Hayste (RAMAAX).

Masuuliinta Xisbiga UCID ayaa xaqiijiyey Xariga Ramaax, iyadoo ay intaasi ku dareen in Xoghayihii guud ee Xisbiga UCID oo ugu taggay xarunta C. I. D ee Hargeysa oo uu ku xiran yahay Ramaax loo diiday inay arkaan.

Masuulinyiinta booliska Soomaaliland ayaa ilaa iyo hadda cadeyn sababta loo xirey Mas’uulka ka tirsan Xisbiga UCID,iyada oo sidoo kale la sheegay inay diideen in xabsiga lagu booqdo.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliland Feysal Xiis ayaa sheegay in sababta loo xirey Xoghayaha ay tahay in uu aflagaado u geystay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomalailand,isla markaana uu ku sheegay in uu xiriir la leeyahay dad cadaw ku ah Soomaaliland.

Waxaa uu sheegay in sifo Sharci ah uu ku xiran yahay Xoghayaha dacwadda loo heystana ay tahay mid cad,isla markaana dhawaan Maxkamad la horgeyn doono si cadaaladda loo marsiiyo.

Xariga xoghayihii Arrimaha Gudaha ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli shalay ay kulmeen Madaxweynaha Somaliland iyo Gudoomiyeyaasha labada Xisbi mucaarad, iyagoo kaga wada hadlay sidii loo fulin lahaa heshiiskii laga gaaray khilaafkii arrimaha doorashooyinka Somaliland.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment