1215 Views

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya oo bixiyey Ruqsad la siiyo shirkad bixisa adeegga lacagaha la iskugu diro telefoonnada ee Soomaaliyana looga yaqaano EVC Plus

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya oo  bixiyey Ruqsad la siiyo shirkad bixisa adeegga lacagaha la iskugu diro telefoonnada ee Soomaaliyana looga yaqaano EVC Plus
____________________________________________________________________________

February  27 /2/ 2021

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa maanta bixiyey liisankii ugu horreeyay ee la siiyo shirkad bixisa adeegga lacagaha la iskugu diro telefoonnada ee Soomaaliyana looga yaqaano EVC Plus.

Liisankan ayaa la siiyey shirkadda Hormuud oo ah tan ugu weyn ee bixisa adeegga telefoonnada. Tallaabadan ayaa rasmi ahaan u sharciyeynaysa adeeggan lagu magacaabo EVC Plus ee shirkadda Hormuud.

Munaasabadda lagu bixiyey liisanka ayaa ka dhacday Muqdishu, waxaana shatiga bixiyey Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi.

Bixinta liisankan ayaa sidoo kale ka dhigan in adeegga lacagaha la iskugu diro telefoonnada uu yahay hannaanka koobaad ee lacagaha lagu kala gudbiyo gudaha dalka.

Tallaabadan ayaa sidoo kale ka dhigan in isku-dirista lacagaha telefoonnada ay tahay mid sharciyeyntiisa ay hoos imanayso Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post