978 Views

Dagaalka Falastiin & Israel oo sababay Dhimasho, Dhaawac & Burbur xooggan!

Dagaalka Falastiin & Israel oo sababay Dhimasho, Dhaawac & Burbur xooggan!
____________________________________________________________________________

Koox suxufiyiin ah oo tagtay Magaalooyin dhowr ah oo ay kasoo xog-waramayeen maalihii colaadda Falastiin iyo Israel ayaa soo gudbisay dhaxalka dagaalkaas socday 11-ka Cishe oo sababay Dhimasho, Dhaawac, Barakac iyo burbur xooggan.

Xubnaha u dooda Xuquuqda Aadanaha Falastiin ayaa sheegay in ugu yaraan 230-ruux oo ah Falastiiniyiin ay ku dhinteen duqeynta Yuhuudda ay ku garaacday Magaalooyin dhowr ah, qaarkood waxaa ku dumay dabaqyadii ay degenayaasheen.

Dhanka Israel waxa ay dhimashadu sheegeen in ay tahay 12-ruux balse intaas way ka badan tahay maadaama Gantaallada toos uga dhacayeen Magaalooyin ay ugu horeyso Tel Aviv oo muuqaallo laga soo duubay ka muuqday Gantaallo ku hoobanaya.

Inkasta oo ay xabad-joojin galeen balse waxaa weli muuqda raadka laga dhaxlay colaadda labada dhinac, waxaa kala aamin baxay Falastiiniyiinta kunool deegaannada Israel heysato & Yuhuudda kadib markii ay ku kala qaybsameen dagaalkaas.

Teleefishinka Aljazeera ayaa tebin toos ah oo soo bilaabatay 11-kii May 2021 ka sameeyay Magaalooyin dhowr ah, halka koox ka howlgasha ay soo warramayeen goobaha qaar ee waxyeelada ka muuqatay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post