1098 Views

Soomaaliya & Masar oo heshiis kala saxiixday

Soomaaliya & Masar oo heshiis kala saxiixday
____________________________________________________________________________

Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee dalka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi oo uu wehliyo Safiirka JFS ee Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ayaa ka qeyb galay munaasibad heshiis is-af-garad ah (MoU) ku kala saxiixdeen Bankiga Dhexe ee Soomaalya iyo kan Masar.

Heshiiska is af-garadka ayaa quseeya xoojinta wada shaqeynta labada Bangi iyadoo ay kor u qaadi doonto dib u dhiska Bangiga Dhexe iyo nidaamka maaliyadda ee Soomaaliya.

Dhanka kale Guddoomiyaha Bankiga dhexe Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi ayaa booqday Xarunta Safaaradda JFS ee Masar waxaana kuso dhaweeyay Danjire Ilyaas Sheikh Cumar.

Guddoomiyaha ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta wanaagsan iyo xogta laga siiyay adeegyadda ay Safaaradda bixiso, isagoo Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ku amaanay dedaalka uu ku bixiyay dib u dhiska Safaaradda iyo waxqabadka muuqda.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post