735 Views

Kumanaan qof oo ka qaxay dab ka holcaya koofurta Spain.

Kumanaan qof oo ka qaxay dab ka holcaya koofurta Spain.
____________________________________________________________________________

Isniin: September 13, 2021

Qiyaastii 2 kun oo qwof ayaa ka qaxay guryahooda oo ku yaala gobolka Andalusiya la yiraahdo oo ku yaala koofurta dalka Spain kadib

markii uu keymaha gobolkaas uu ka kacay dab xoog leh.

Dawlada Spain ayaa sheegtay in kooxaha gurmadka loo diray gobolka si ay dadka u caawiyaan.

Dabka holcaya ayaa baabi’iyay masaafo dhan in ka badan 7 kun oo higtar.

Dawladu waxay sheegtay in dabku hadda ku dhawaaday magaalada Estapone oo ka tirsan gobolka Andalusiya.

Dadka ugu badan ayaa ka qaxay illaa 6 magaalo oo gobolka ku yaala waxaana dadka hadda guryo ku meel gaar ah looga dhigay meelo dhul banaan ah iyo xarumaha dawlada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post