786 Views

Wakiilkii hore ee Midowga ee Soomaaliya oo geeriyooday

Wakiilkii hore ee Midowga ee Soomaaliya oo geeriyooday
____________________________________________________________________________

Bayaan kasoo baxay howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxaa lagu shaaciyay in uu geeriyooday Danjire Boubacar Gaoussou Diarra, oo ahaa Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsanaa Soomaaliya iyo Madaxa AMISOM sanadihii 2010 ilaa 2012.

Bayaanka ayaa waxaa lagu sheegay in ay aad uga xun yihiin geerida Danjiraha, isla markaana si hagar la’aan ah uu uga Shaqeeyay Nabadda Soomaaliya.

“AMISOM waxay ku xasuusan doontaa Danjire Diarra inuu si hagar la’aan ah uga shaqeeyay aasaaska nabadda, amniga, dib u heshiisiinta iyo qaran dhisid Soomaaliya. Waxay ahayd intii uu ahaa Madaxa AMISOM in Al-Shabaab laga saaray Muqdisho, iyo Howlgalkii Shabeelle Xorta ah ayaa lagu yiri” Bayaanka AMISOM.

Wakiilkii hore ee Midowga Afrika u fadhiyay Soomaaliya ayaa waxaa uu sidoo kale horay uga soo Shaqeeyay dalalka Burundi iyo Mali.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post