744 Views

Ra’iisul Wasaaraha oo kulan la qaatay Odayaasha deegaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug

Ra’iisul Wasaaraha oo kulan la qaatay Odayaasha deegaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug
____________________________________________________________________________

Gaalkacyo | QOL | 19, Diseembar, 2020 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan kula qaatay magaalada Gaalkacyo odayaasha dhaqanka deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug ayaa ku boggaadiyey sida iskutashiga ah ee ay deegaankooda uga difaaceen weerarkii kooxda alshabaab ay ku soo qaadeen.

Ra’iisul Wasaaraha ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay ku daydaan dadka Bacaadweyn, loona midoobo dagaalka lagula jiro argagixisada, si wadajir loogu ciribtiro.

Odayaasha Bacaadweyn ayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Galmudug warbixin ka siiyey xaaladaha nololeed ee deegaanka, waxayna ka codsadeen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Galmudug in ay ku garab siiso horumarinta kaabayaasha bulshada.

Deegaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug oo dhowaan ay weerar ku soo qaadeen kooxaha argagixisada ayay dadka deegaanku gaarsiiyeen jab xooggan, iyadoo kooxihii weerarka soo qaaday ay ku fashilmeen damacoodii ay ku doonayeen dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post