786 Views

Soomaaliya iyo Turkiga oo yeeshay kulan looga hadlaayay xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo yeeshay kulan looga hadlaayay xiriirka labada dal
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 4,, 2020 –Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Turkiga siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labo geesoodka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, ayaa maanta oo Khamiis ah ku qaabilay xafiiskiisa uu ku leeyahay Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Safiirka Jamhuuriyadda aanu walaalaha nahay ee Turkiga, Mudane Mehmet Yilmaz. Kulanka ayaa intii lagu guda-jiray waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo khuseeya xiriirka labo geesoodka iyo iskaashi wadaagga ka dhexeeya labada dal, waxaa kale oo ay isla fallanqeeyeen arrimihii ugu dambeeyay xaaladaha gobolka iyo dunida.

Kulanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji iyo Agaasimaha Waaxda Asia iyo Australia, Mudane Cabdisalaam Suleymaan Cabdi (Koodaar).


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post