1020 Views

C/raxmaan Cirro” Naxdin iyo tiiraanyo ka weyn ma jirto in la gummaado Shacab”

C/raxmaan Cirro” Naxdin iyo tiiraanyo ka weyn ma jirto in la gummaado Shacab”
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 29–2019 | —Guddoomiyaha Xisbiga WADANI ee Soomaaliland ayaa kamid noqday siyaasiyiinta sida kulul uga hadlay qarixii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Isgoyska E-Koontorool Afgooye ee Magaalada Muqdisho.

 

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu ku sheegay inaysan jirin Naxdin iyo tiiraanyo ka weyn in la xasuuqo dad aan waxba galabsan oo badnaa Arday wax ka baraneysay Jaamacadaha iyo Iskuulo ku yaallo Magaalada Muqdisho.

 

 

 

Hoos Ka Akhriso Qoraalka Guddoomiyaha Xisbiga WADANI ee Soomaaliland.

 

” Naxdin iyo tiiraanyo ka weyni ma jirto in la gummaado shacab aan waxba galabsan, ardaydii ahayd ubixii soo kacaayey, xoogsato shaqo tag ah, runtii waxa aan si weyn u tacsiyadeynayaa ehelada dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmayba qaraxii bahalnimada iyo ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

 

Ilaahay inta dhimatay naxariistiisa janno haka waraabiyo, inta ku dhaawacantayna caafimaad degdeg ah ha siiyo, waxa aan leeyahay dadka reer Muqdisho ee dhibkaasi soo gaadhay, ha is dhiibina walaalayaal!

 

In ka badan 100 Ruux ayaa la sheegay inay ku dhinteen qarixii shalay,waxaana maanta dalka Turkiga loo qaaday qaar kamid ah dhaawacyadii ugu darnaa ee ku waxyeeloobey qaraxaas.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment