1230 Views

Waxaa dhaqan galay heshiis xabbad joojinta Israa’iil iyo Falastiin dabaal Dagyo ka bilaawday Marinta Qasa.

Waxaa dhaqan galay heshiis xabbad joojinta Israa’iil iyo  Falastiin dabaal Dagyo ka bilaawday Marinta Qasa.
____________________________________________________________________________

May 21 2021

Waxaa dhaqan galay heshiis xabbad joojin ah oo ay wada gaareen Israa’iil iyo kooxda Falastiiniyiinta ah ee Xamaas ee ku sugan Marinta Qasa.

Waxaa sidaas ku istaagay dagaal socday 11 maalmood oo xoogagga Xamaas ay 4,000 oo gantaal ku tuureen dhinaca Israa’iil halka militariga Israa’iil ay 1,500 oo duqeymo ah ku beegsadeen Qasa.

Ugu yaraan 243 qof, oo ay ku jiraan in ka badan 100 ruux oo isugu jira haween iyo carruur, ayaa lagu dilay Qasa, sida ay shaacisay wasaaradda caafimaadka ee Falastiiniyiinta. Israa’iil waxay sheegtay inay dishay 225 xubnood oo ka mid ah mintidiinta intii uu dagaalka socday.

Dhinaca Israa’iil, 12 ruux, oo ay ku jiraan labo carruur ah, ayaa la dilay, sida ay sheegeen laamaha adeegayada caafimaadka.

Maxay tahay faahfaahinta ku saabsan xabbad joojinta?

Xabbad joojintu si fudud waxay ka dhigan tahay in labada dhinacba ay ku dhawaaqaan in aysan sii wadeynin dagaalka, ha ahaato si toos ah ama muddo kooban.

Waxaa laga yaabaa in dagaalka uu mar kale dib u qarxo, marka loo eego isku dhacyadii hore ee Israa’iil iyo Xamaas ee lagu hakiyay xabbad joojinta.

Labada dhinacba waxay isku raaceen inay dagaalka joojiyaan marka ay saacaddu ku beegan tahay 0200 waqtiga maxalliga ah ee Jimcada (oo u dhigma 23:00 GMT ee Khamiista).

Markii loo sii dhawaanayay waqtigan, waxaa lasoo tabiyay inay sii socdeen duqeymaha dhinaca cirka ee Israa’iil ay ku heysay Qasa iyo gantaallada lagu tuurayay dhinaca Israa’iil.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in xabbad joojinta aysan qarin karin burburkii ka dhashay dagaalka.

Maxay yihiin qodobbada xabbad joojinta?

Xog aad u kooban ayaa la shaaciyay, wadahadallada xabbad joojinta lagu saxiixdayna ma ahayn kuwo kasoo muuqday warbaahinta.

Dalalka awoodda leh ee gobolka, sida Masar iyo Qadar ayaa ku lug lahaa heshiiska, sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Mareykanka iyo Qaramada Midoobay.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa soo saaray bayaan uu ku sheegay in Israa’iil ay aqbashay xabbad joojin “shuruud la’aan ah” oo colaadda lagu hakinayo

Hoggaamiye ka tirsan Xamaas oo ku sugan Qasa ayaa BBC-da u sheegay in Israa’iil ay oggolaatay “inay faraha ka qaadaan” masjidka Al-Aqsa ee ku yaalla magaalada Qudus (oo ah mid ka mid ah magaalooyinka barakeysan ee Islaamka) iyo waliba degmada Sheikh Jarrah,

 halkaasoo ay ka socdeen dhaqdhaqaaqyo dadka Falastiiniyiinta ah looga saarayay guryahooda.

Hase yeeshee, arrintan waxaa beenisay Israa’iil.

Labadan arrimood waxay ahaayeen kuwii sababay billaabashada dagaalka u dhaxeeyay labada dhinac ee qarxay horaantii bishan.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Bejamin Netanyahu, ayaa sheegay in duqeymihii xagga cirka ee Israa’iil “laga soo hoyiyay guul” ayna “baddaleen waxa ay ka qabeen” ururka Xamaas.

Waxaa lagu soo warramay in Israa”iil ay oggolaatay inay dib u furto hal meel oo laga gali karo Marinka Qasa si loo fududeeyo adeegyada gargaarka.

Gudaha Israa’iilna waxaa la qaaday inta badan xayiraadihii dhinaca amniga ee lagu soo rogay meelo ka mid ah waddanka, duullimaadyadiina waxay dib u billaaban doonaan maalmaha soo socda.

Ilaa goormey soconeysaa xabbad joojinta?

Xabbad joojinta hirgashay ma aha mid waqtiyeysan, hoggaamiyeyaasha caalamkuna waxay muujiyeen rajada ay ka qabaan in ay noqoto mid sii soconeysa.

Masar ayaa sheegtay in ay diri doonto labo wafdi oo soo kormeera xabbad joojinta, kuwaasoo mid loo dirayo Tel Aviv kan kalena loo dirayo Qasa. Sida ay wararku sheegayaan, waxay raadinayaan sidii xabbad joojintaas ay u noqon lahayd mid waarta.

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa sheegay in tallaabadan ay horseedday “fursad wanaagsan” oo lagu hormarin karo dadaalka.

Bayaan kasoo baxay Midowga Yurub ayaa lagu yidhi: “Waxaan ammaan u jeedineynaa Masar, Qaramada Midoobay, Mareykanka iyo dhinacyada kale ee ka qayb qaatay dadaalka lagu fufufeynayay arrintan.”

Shiinaha ayaa sheegay inuu rajeynayo in dhinacyadu ay dhaqan galiyaan xabbad joojinta.

Ra’iisul Wasaaraha Britain, Boris Johnson, ayaa sidoo kale soo dhaweeyay xabbad joojinta, laakiin wuxuu sheegay in labada dhinacba ay tahay inay helaan “xal rasmi ah” oo lagu joojinayo isku dhaca

Waxaa jiray iskudayo badan oo lagu doonayay in xal loogu helo arrimahan sannadihii lasoo dhaafay, laakiin laguma guuleysanin.

Waxaa qodobbada la isku hayo ka mid ah mustaqbalka magaalada Qudus, deegaannada la dajiyay dadka Yuhuudda ah ee Daanta Galbeed, xaaladda qaxootiga iyo in la abuurayo ama aan la abuureynin dowlad Falastiiniyiintu leeyihiin.

Maxaa ku dhacay xabbad joojinnadii hore?

Dagaalkii dhacay sanadkii 2014-kii, markii ay ciidanka dhulka ee Israa’iil galeen Qasa, waxaa jirtay hadal heyn ku saabsan in ay jireen isku dayo xabbad joojin ah ka hor inta aan lasoo afjarin dagaalka.

Sanadkii 2008, xabbad joojin ay dhexdhexaadisay Masar oo la gaaray horaantii sannadkaas, ayaa burburray bishii November, Israa’iilna bishii xigtay waxay billowday howlgal baaxad leh oo dhanka dhulka ah oo ay ku qaadday Qasa.

Markanna, Wasiirka Difaaca ee Israa’iil, Benny Ganz, wuxuu ka digay in “xaaladda dhabta ah ee ka jirta aaggaas” ay go’aamin doonto waxa kale ee dhex mari kara Israa’iil iyo Xamaas.

Wuxuu intaas ku daray in Israa’iil ay difaac ku jiri doonto si ay u ilaaliso muwaadiniinteeda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post